Friday, July 6, 2012

Ma wax la dayici karaa waa dahabe????!!!!



Salaadda Fajrigu waxay ka ashtakooneysaa in dad badani ay dayaceen, ayadoona ah salaad aad uu ilaahay u amaanay, Allaah swt wuu ku dhaartay salaadddan wuxuuna yiri:


(والفجر . وليال عشر )

“waxaan ku dhaartay fajriga (salaada subax). Iyo tobanka habeen (ee dulxijjah)”

Allaah swt wuxuu kaloo yiri: 

  (أقم الصلاة لدلوك الشمس إلى غسق الّيل وقرءان الفجر إن قرءان الفجر مشهودا)




“Salaadda oog gabal gaabadka (casarka) ilaa mugdiga habeenkii iyo qur’aanka fajriga (Salaada subax), xaqiiqdii qur’aanka fajrigu waa markhaati (u hiilliya cidii ilaalisa)”


Imisa ajar ah ayaad dayacday maalintaad ka seexatid, ama ilowdid ama waqtigeeda daahisid salaadda subax???? Maxaa keyd aakhiro ku dhaafay oodan ka faa’iideysan????


1. Salaadda subax waxay u dhigantaa taagnaan loo taagnaado Ilaahay dartii habeen dhan. 


Hurdadoo ka toosto + Aadaankood ajiibto + salaad aad la tukato mu’miniinta sharafta
leh = Ajar habeen idil ood taagneyd. Eeg wuxuu nabigu scw nagu yiri:

(من صلى العشاء في جماعة فكـأنما قام نصف الليل ومن صلى الصبح في جماعة فكأنما قام الليل كله) 


“Qofkii cishaha la tukada jamaacada waa sidii isagoo taagnaa habeenka badhkii, qofkii subaxa la tukada jamaacada waa sidii isagoo taagnaa habeenkoo idil”

2. Maganta Allaah ood gasho. Qofkuu ilaahay dhowro ma cidbaa wax yeeli karta???? Bal eeg wuxuu nabigu scw yiri:

عن أبي ذر رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : (من صلى الصبح فهو في ذ مة الله)

“Qofkii ooga salaadda subax wuxuu ku jiraa maganta Allaah”

3. Salaada subax oo jamaacada lagu tukado waa iftiin (nuur) maalinta qiyaamaha. Akhri bishaarada nabiga scw:

قال صلى الله عليه وسلم : (بشر المشّائين في الظلم إلى المساجد بالنور التام يوم القيامة )

“Ugu bishaaree akhyaarta mugdiga u dhex qaada masaajidda NUUR dhameystiran maalinta qiyaamaha”

heerka iftiinkuna wuxuu le egyahay heerka mugdiga, qofkii badsada mugdiga inuu dhex lugeeyo si uu usoo tukado, nuurkiisana wuu weynaan oo iftiinkiisu wuu badan maalinta qiyaamaha

4. Jannadoo uu galo qofkii ooga fajriga, nabigu scw wuxuu yiri:

قال صلى الله عليه وسلم : (من صلى البردين دخل الجنة) والبردين هما الفجر والعصر

“Qofkii tukada labada (xilli) ee qab-qaboow, jannaduu geli” xilliyadaana waa fajriga iyo casarka.

وقال صلى الله عليه وسلم : (لن يلج النار أحد صلى قبل طلوع الشمس وقبل غروبها)

“Naarta ma galaayo axad tukaday qoraxda intaanay soo bixin iyo intaanay dhicin”


5. Warbixin heersare ah oo carfoon baa lagaaga gudbin xagga rabbiga samaawaatka, akhyaaryahow la tukaday subaxa akhyaarta kale, Ila akhri xadiiskan quruxda badan:


قال صلىالله عليه وسلم : (يتعاقبون فيكم ملائكة بالليل وملائكة بالنهار ويجتمعون في صلاة الصبح والعصر ثم يعرج الذين باتو فيكم فيسألهم الله وهو أعلم كيف وجدتم عبادي؟ فيقولون تركناهم وهم يصلون وأتيناهم وهم يصلون)

“waxaa isu kiin daba mara malaa’ig habeenkii ah iyo kuwo maalintii ah, waxaanay kulmaan salaadaha subaxa iyo casirka, ka dib ayaa waxaa (samada) fuula kuwii xalay idin la joogay, markaasuu Allaah weydiiyaa kuwaas, asagoo ka ogaansho badan, ‘sideey ahaayeen addoomadaydu?’waxay yiraahdaan waxaanu kasoo tagnay ayagoo tukanaya (subaxa/casarka) waxaanan u tagnay ayagoo tukanaya (subaxa/casarka)”

Bishaareyso addoonkii Ilaahayoow, midka salaadaha (gaar ahaan subaxa) ilaaliyayoow, magacaaga waxaa laga dhex sheegi boqortooyada aan mid u dhiganta lahayn, miyaanay sharaf iyo ammaan kuugu filleyn???!!!


6. Rasuulku scw wuxuu yiri:


قال صلى الله عليه وسلم : (ركعتا الفجر خير من الدنيا وما فيها)

“Labada rakcadood ee subaxa (sunnada hore) ayaa ka khayr badan dunida iyo waxa saran”

7. Ma dooneysaa risqi iyo barako? la tuko salaada subax jamaacada, hubaashi waad heliye. Nabiga scw wuxuu ugu ducayn jiray umadiisa:

(اللهم بارك لأمتي في بكورها)

“Ilaahoow ummadayda u barakee hiraabeheeda (xiliga salaada subax)”




Mu’miniinta sharafta lahoow, sida qofka salaadda xafida uu u leeyahay keyd, ajar, iyo faa’iidooyin kaloo badan, waxaa qofka dayaca u sugnaatay dhib iyo qaxar aduunyada iyo aakhiradaba ahaatay waxaana ka mid ah:



1. Inuu qofku ku sifoobo munaafiq!!! Rabbi swt, asagoo ka hadlaya munaafiqiinta ayuu yiri:


(وإذا قامو إلى الصلاة قامو كسالى يراؤون الناس ولا يذكرون الله إلا قليلاً)



“Markeey salaadda u istaagaan waxay u kacaan ayagoo caajisan, dadkey is tus-tusi mana xusaan Allaah in yar mooyaane”

2. Hoog iyo halaag u sugnaaday qofka salaada ka taga ama dayaca, Allaah swt wuxuu yiri:

(فويل للمصلين . الذين هم عن صلاتهم ساهون )

“Waadi naareed baa u sugnaaday dadka tukada oo salaadooda sahwiya (dayaca)”

3. Shaydaankoo dhagaha uga kaadiya, bal ila qooraanso xadiiskan:


روي أن بن مسعود قال : ذكر عند النبي صلى الله عليه وسلم رجل نام ليلة حتى أصبح، قال : (ذاك رجل بال الشيطان في أذنيه)ه


Waxaa laga wariyey inuu Ibnu Mascuud yiri: “ nabiga scw ayaa looga warramay nin seexday habeen ilaa uu ka waaberiisto, wuxuu nabigu scw yiri: ‘Kaasu waa miduu shaydaanku dhegaha uga kaadshay’ ”

Taasi waxay cadeyneysaa inuu shaydaanka iska rigeystay qofka salaada ka seexda, oo uu ka adkaaday illaa uu ka yeeshay musqushii (suuligii) uu ku kaadinayay, Ilaahay baannu ka magan galnaye. 



4. Qurmuunimo iyo kaslaanimo maalintiyoo dhan kor saaran qofka salaada ka seexda. Taa waxaa ka sii daran fadeexo iyo dadkoo naca taariku salaadka. Mid ka mid ah taabiciintii saxaabada ayaa waxaa laga soo guuriyey oraahdan:

(إن الرجل ليذنب الذنب فيصبح وعليه ومذلته)

“Qofku dambi buu galaa markaasuu dullinimada (dambigaas) la waaberiistaa”

5. Madaxoo laga burburiyo qofka ka taga salaadda qabriga dhexdiisa iyo aakhiraba, waxaa ku soo arooray bukhaari:

(راى النبي صلى الله عليه وسلم في رأيا له أن رجلا مستلقيا على قفاه وآخر قائم عليه بصخرة يهوي بها على رأسه فيشد في رأسه فتتدهور الحجر فإذا ذهب ليأخذه فلا يرجع حتى يعود رأسه كما كان يفعل به مثل المرة الأولى وهكذا حتى تقوم الساعة فقال صلى الله عليه وسلم هذا جبريل ، قال هذا الذي يأخذ القرآن ويرفضه وينام عن الصلاة المكتوبة)

Nabigu scw wuxuu riyo ku arkay (riyada nabiguna waa waxyi) nin dhulka jeegadu u taalo, mid kalena dhagax la kor taagan yahay, oo uu madaxa uga sii deynayo, maduxuu ka burburi, dhagixiina wuu dilandiloon, markuu dhagaxa soo qabsado wuxuu u yimaadaa kiiyoo madixiisii caadi noqday, wuxuu ku sameeyaa tabtii uu markii hore yeelay oo kale, sidaasuuna ku wadi ilaa ay saacadu istaagto. Nabigu scw markaa wuxuu yiri: “kani (midka waxyiga ii keenay) waa jibriil”, wuxuu yiri: “kani (midka madaxa laga bashaaqay) waa qofka qaata qur’aanka ka dibna ka hor yimaada salaadda faralka ahna ka seexda”

6. Waxaa laga mamnuuci risqiga iyo barakada. IbnulQayim ayaa wuxuu yiri:

(ونومة الصبح تمنع الرزق لأنه وقت تقسم فيه الأرزاق)

“Hurdada subixii (laga seexdo salaada) waxay mamnuucdaa risqiga, sababtoo ah waqtigaas ayaa la qeybiyaa arsaaqda”

رأى بن عباس ابنا له نائما نوم الصبح فقال له " قم! أتنام في الساعة التي تقسم فيها الأرزاق؟"

Ibnu cabbaas baa arkay wiiluu dhalay oo subixii jiifa, markaasuu ku yiri: “ Kac! Ma waxaad seexaneysaa saacadda arsaaqda la qeybiyo?”

Addoonkii Alloow, ha u dayma darnaan oo ha dayicin salaadaha guud ahaan gaar ahaanna salaadda fajriga. Ileyska u soo bax, geesi halyeey ah oo jabiya cadowga (shaydaanka) noqo, Ilaahayna talo saaro.


Arrimahaan dhowrka ah waxay kaa kaalmeynayaa inaad salaadda subax la tukato jamaacada:


  1. Waqti hore seexo.
  2. Ilaali aadaabta sharciga ah ee hurdada (adkaarta iyo dhinaca midig ood u seexato iwm).
  3. Khayr abuur si aad u guratid khayr.
  4. Ha badsan cunnada iyo cabbitaanka (gaar ahaan habeenki).
  5. Ka fogoow macaasida maalintii.
  6. Ha halmaamin miraha samirka.

Intii aan hagaajiyey waxay ka timi xag ALLAAH, wixii aan khalday ama aan is daba mariyeyna waa xagga nafteydiyo shaydaan, waxaanse aad u jeclaan lahaa in hadii aad la kulantid wax khalad (xagga daabacaada, ama adillada) ah in aad si walaaltinimo ah iigu baraarujisid.

ugu dambeyntii...

Allaahu jalla jalaaluhuu wuxuu yiri:

(وتعاونو على البر والتقوى ولا تعاونو على الإثم والعدوان)

" Isugu kaalmeeya wanaagga iyo Allaah ka cabsiga, hana isugu kaalmaynina dambiga iyo cadaawada "

Middaas adigoo niyadda ku haya, iigu kaalmee xusuusintan yar inaad gaarsiiso asxaabtaada, gaar ahaan kuwa aad is leedahay salaadda subax dadkey ka ashtakootay bey ka mid yihiin. Ilaahay ajarkaaga ma dayacayo, bal e wuu kuu labanlaabi..
Waa walaalkiin Muxammad Fowzi oo idin xusuusinaya lacalla haddii aad yara halmaamteen...


No comments:

Post a Comment